Asaaskii Puntland waxaa ka soo wareegay 25 sano, waxaa habbooneyd in ay gaarto meel ka wanaagsan halka ay maanta joogto. Puntland waxay ka soo gudubtey duruufo adag, muddadii ay jirtey waxaa la gaarey horumar weyn, laakiin waxaa markasta dhinac socdey horumarkaas caqabado ka hor imaanayey in loo gudbo nidaam dowladnimo iyo isbeddel siyaasadeed oo dhamaystiran.
Waxaa hadda taagan dhamaadka muddo xileedkii xukuumadda iyo baarlamaanka. Doorashooyinkii goloyaasha deegaanku weli waa qabyo, ma soo bixin Saddexda Xisbi ee dastuuriga ahaa, xukuumaddu waxay baarlamaanka u gudbisey hindise wax looga beddalaayo dastuurka, taasi waxay keentay dagaal culus ka dhaco caasimadda Puntland waxaana ka dhashey khasaare ballaaran, ilaa hadda heshiis laguma ahan sida wax u socdaan, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay xal-siyaasadeed oo looga gudbo caqabadaha hadda taagan, kaas oo dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Si doorashooyinka xisbiyadu u qabsoonto iyada oo raali la isaga wada yahay waxaa loo baahan yahay sameynta LIFAAQA DHAMAYSTIRKA DOORASHOOYINKA DIMOQRAADIGA.
Ka qaybgal siyaasadeed oo lo dhan yahay: Sida uu qabo dastuurka Puntland, doorashooyinku waa in ay ka dhacaan hal maalin guud ahaan degmooyinka Puntland, sidoo kale dastuurka Puntland waxa uu dhigayaa in saddexda urur siyaasadeed ee ugu codka badan ay noqonayaan xisbiyada siyaasadeed ee dalku yeelanayo laba xilli doorasho ama muddo toban (10) sano ah, maadaama ilaa 15 degmo iyo laba gobol aysan doorasho ka dhicin, taasi waxay keeni kartaa dood sharciyeed, haddaba waxaa caqabadahaas oo dhan looga gudbi karaa heshiis siyaasadeed oo wada-oggol ah, iyo diyaarinta Lifaaq shanaad oo dhamaystiraya geedi socodka dimoqraadiyadda Puntland. Lifaaqa Dhamaystirka Doorashooyinka Dimoqraadiyadda Puntland, waxaa saldhig u noqonaaya qodobada soo socda oo ballaarinaaya ka qaybgalka arrimaha siyaasadda iyada oo aan qofna laga tegayn, kaas oo nxurka uu xambaarsan yahay ay ugu weyn tahay:
- Qabashada doorashaooyinka saddexda degmo ee Garoowe, Dan-Goroyo iyo Godob-jiiraan
- Sagaalka (9) urur siyaasadeed ee ka diiwaan gashan Puntland, urur siyaasadeed kasta oo kamid ah oo hal xildhibaan iyo ka badan uga soo baxeen doorashooyinkii goloyaasha deegaanka waxa uu noqonayaa Xisbi Siyaasadeed, waxayna ka qaybgelayaan doorashada Golaha Wakiilada ee soo socda.
- Xisbi kasta oo doorashada Golaha Wakiilada u soo bixi waayaan hal xildhibaan iyo ka badan waxa uu dib ugu noqonayaa urur siyaasadeed ilaa doorasada danbe.
- Doorashada Golaha Wakiiladu waxaa laga qabanayaa afar gobol oo kala ah Bari+(Karkaar iyo Gardafuu) Sanaag+(Haylaan) Nugaal iyo Mudug, tirada kuraasta taala afartaas gobol waa 49 kursi .
- Xaalad gaar ah: Xildhibaanada Gobolada Sool iyo Cayn iyo laba xildhibaan oo laga reebay gobolka Sanaag, waxaa lagu soo xulayaa :
- Sidii hore horey loogu soo xuli jirey, madaama wakhtigan doorasho ka dhici karin Goboladda Sool iyo Cayn diiwaab gelina laga hirgelin, kadib markii loo dhaariyo xilka in ay ku kala biiraan Xisbiyada xildhibaanada ku guuleystey.
- In lagu mataaneeyo mid ka mid ah afarta gobol oo ay doorashooyinku ka dhaceen. Iyadoo xisbiyaddan loogu qaybiyo boqoleey (%) ay ka heleen doorashooyinka gobalkaas ama
- In Xisbiyadda loogu qaybiyo boqoleey ama saami (%) ay ka heleen doorashooyinka guud ee ka dhacay afarta Gobol ee kala ah, Bari, Sanaag, Nugaal iyo Mudug.
- Guddiga kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland waxaa haboon in ay dhamaystiraan doorashooyinka socda sidoo kale ay qabtaan doorashada golaha wakiilada ee Puntland, iyada oo jiritaankoodu ku eg yahay doorashada Golaha Wakiilada, haddii xubin kamid ah xilka iska casisho ama geeriyooto, lama soo beddeli karo booskaas.
- Doorashada Madaxweynaha: Waxay ku dhacaysaa qodobada soo socda midkii lagu heshiiyo :
- Nidaamkii hore ee baarlamaaniga ahaa, waxaana Madaxweynaha dooranaya 49 xildhibaan ee shacabku soo doortey ee ku yimid nidaamka xisbiyada iyo 17-ka Xildhibaan ee Sool iyo Cayn. Musharaxa Madaxweynuhu wuxuu ka imaan karaa xisbi siyaasadeed, sidoo kale waxa uu noqon karaa mid iskiis u taagan oo madax-banaan ama
- Madaxweynaha & ku-xigeenkiisa waxaa soo dooranaya dadwaynaha afar gobol oo kala ah Bari+(Karkaar iyo Gardafuu) Sanaag+(Haylaan) Nugaal iyo Mudug,
- Sool/Cayn heshiis gaar ah ayaa laga gaarayaa.
- Hufnaanta Doorashada: Madaxweynaha hadda xilka haya waa musharax, waxaana uu hoggaamiyaa urur siyaasadeed, si loogu kalsoonaado doorashada waxaa lagama maarmaan ah in uu maamulka doorashada faraha kala baxo, gaar ahaan amniga doorashada iyo maaliyaddda doorashada si toos ah loogu wareejiyo Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland.
Shaqooyinka muhimka ah ee doorashada golaha wakiiladu u baahan tahay:
NR | SHAQADA | WAKHTIGA |
1 | Qabashada doorashaooyinka saddexda degmo ee Garoowe, Dan-Goroyo iyo Godob-jiiraan | Luulyo – Ogoosto 2023 |
2 | Diyaarinta Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada | Luulyo – Ogoosto 2023 |
3 | Dib u furidda diiwaangelnta cod-bxiyaasha aan is-diwaan gelin iyo qaybinta kaararka harey | Siteembar – Oktoobar 2023 |
4 | Diyaarinta seejooyin heer gobol ah maadaama doorashooyinku eer gobol ku dhacayaan | Nofeembar 2023 – Diseembar 2024 |
5 | Xulitaanka Xildhibaanada iyo MW gobolada Sool iyo Cayn + 2 Sanaag ah oo tiradoodu tahay 17 | Diseembar 2023 |
6 | Doorashada Xildhibaanada Golaha Wakiilada/MW | Diseembar 2023 |
7 | Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa | 8 Janaayo 2024 |
Maxay tahay sababta loogu baahdey LIFAAQA DHAMASYTIRKA DIMOQRAADIYADDA PUNTLAND?
In Puntland u gudubto nidaam dowladeed oo ka baxdo nidaamka beelaha waxay ahayd himilo muddo maqneyd oo dastuuri ah, maantey mar ay ka dhawdahay ma jirto, si loo badbaadiyo himiladaas dastuuriga ah waxaa muhim ah in la helo heshiis siyaasadeed lagu wada qanacsan yahay oo loo dhan yahay.
Waxaa jira qodobo badan oo dastuuri ah oo ay ka mid yihiin qodobka 44 farqadaha (1), (5) iyo (6), qodobka 123 ee dastuurka Puntland, xeerka doorashooyinka Puntland qodobka 52 oo keenaya dood sharciyeed haddii doorashada lagu dhiso 33 degmo iyo 7 gobol oo keliya.
Saddexdii baarlamaan ee u danbeeyey ee Puntland iyaga ayaa laga sugaayey xalka, maadaama doorashada goloyaasha wakiilada iyo kuwa degmooyinka ay tahay in ay ku yimaadaan doorasho dadweyne. Golaha wakiilada oo cuskanaya qodobada 7-aad, 60-aad, 64-aad iyo 68-aad ee dastuurka Puntland waxay soo saari jireen Lifaaqa lagu gelaayo doorashada si looga gudbo marxaladda xiligaas taagneyd iyaga oo talada dib u siin jirey odoyaasha dhaqanka taas oo maanta aan loo baahneyn in odoyaasha talada dib loogu celiyo.
Waxaa haatan Puntland ka taagan khilaaf weyn oo gaarey dagaal culus in uu ka dhaco caasimadda Puntland , ma jirto xal nabadeed iyo mid siyaasadeed oo la gaarey sidoo kale magaalooyin badan oo ka tirsan Puntland wax doorasho ah kama dhicin, nuxurka khilaafka ayaa ah:
- In dib loogu noqdo nidaamkii hore ee 66 xildhibaan ay odoyaashu soo xuli jireen
- Iyo in Doorashooyinka la wado, dastuurka la beddelo, iyada oo degmooyinka Puntland kala dhantaalan yihiin oo qaybo badan doorasho laga qaban, isla markaana aan laga heshiin khlaafka taagan, taas oo khatar ku ah nidaamkan.
Waxaa loo baahan yahay in la helo waddo saddexaad oo Win-Win ah.
Haddaba waxaa lama huraan ah in la badbaadiyo barnaamijka dimoqraadiyadda , iyada oo aan loo baahan in isbeddel dastuurka lagu sameeyo, dibna aan loogu noqonayn nidaamkii beelaha iyo odoyaasha dhaqanka laakiin la maraayo Lifaaqa shanaad ee dhamaystirka barnaamijka dimoqradiyadda kaas oo lagu gaaro heshiis siyaasadeed.
Waxaa Diyaariyey Ismaaciil Siciid Aw-Musse, Cilmi-baare Madax-banaan email: aumusse(@)gmail.com