Tartan Uu Maalgalinayo Imaraadku oo Loo Qabtay Geelayda Somaliland

Published: February 13, 2020

Duleedka magaaladda Hargaysa waxaa maanta lagu qabtay tartan Lagu Soo Xulayo Hasha Ugu Caanaha Badan Geella Somaliland

Tartankan oo ay maalgalinayo dowladda Imaraadka carabta ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland ee halkaasi ku sugnaa,

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in ujeedada tartankan laga leeyahay ay tahay si loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela.

“Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Waa Tartankii u horraysay ee noociisa ah ee lagu qabto degaanada Soomaalida.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *