Tirada dadka ku dhintay daadadka Itoobiya oo gaartay 229 qof

Published: July 23, 2024

Tirada dadka ku dhintay daadadka ku dhuftay degmada Gofa ee koonfurta dalka Itoobiya ayaa kor u dhaaftay 200 oo qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka gobolkaasi Talaadadii.

Dhimashada ayaa laga yaabaa inay sii korodho iyadoo goobta ay musiibadu ka dhacday oo ah degmo fog ay aad u adag tahay in la geeyo qalabka culus ee gurmadka wadooyinka go’ay awgeed, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dadaalka samatabbixinta ayaa ku socda gacmo qodis, ayuu yiri sarkaal ka tirsan degmada oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Dhul go’a iyo daadadka koonfurta Itoobiya waa kuwo soo noqnoqda xilliyada roobabka, kuwaas oo socda bilaha Juun ilaa Agoosto.

Horseed Media