Tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee dalka Nigeria oo socota

Published: February 26, 2023

Tirinta codadka doorashadii madaxtinnimo ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii militariga sanadkii 1999 ayaa ka socota dalka Nigeria.

Tirada dadka u soo baxay codeynta ayaa aad u badan, waxaana u badan dad da’yar ah.

Codbixintii shalay waxaa hareeyay dib u dhac baahsan oo ka jiray goobaha codbixinta.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in la xaday sanduuqyada codbixinta iyo weerarro ay geysteen rag hubeysan.

Xisbiyada qaar ayaa walaac ka muujiyay sheegashooyin la xiriira wax is daba marin, taasoo horseedi karta natiijo lagu murmo.

Horseed Media