Trump oo dhaawac fudud kasoo gaaray weerar toogasho

Published: July 14, 2024

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa xalay ka badbaaday weerar toogasho oo lala beegsaday xili uu khudbad kasoo jeedinayey banaanbaxa taageerayaashiisa magaalada Butler, ee gobalka Pennsylvania.

Dhaawac ayaa kasoo gaaray dhegta oo ay ka sartay xabad, kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta isu soo baxa uu ka socday. Ninka weerarka geystay ayey toogasho ku dileen ciidamada illaalada.

Waxaa weerarkan ku dhintay hal qof iyadoo ay sidoo kale labo qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo culus.

Waxaa weli socda baaritaan lagu wado ninka weerarkan geystay oo saarnaa daar u dhaw goobta uu ka khudbeenayey Trump.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo kahor xili lagu wado inuu furmo shirweynaha xisbiga Jamhuuriga oo lagu wado in si rasmi ah looga dhawaaqo murashaxa u tartamaya xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo qof u noqon doona kuxigeenkiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xalay shir jaraa’iid oo deg deg ah qabta ayaa cambaareeyey weerarkan isagoo sheegay in xiisada siyaasadda ee dalkaasi ka taagan aysan marnaba ahayn inay dhaliso falalka noocaan ah.

Horseed Media