Trump oo qeylo-dhaan soo saaray xili ay weli socoto tirinta cododka!

Published: November 4, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo goordhaweyd taageerayaashiisa kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegtay inuu isagu guul gaaray xili ay weli socoto tirinta cododka gobalo muhiim ah.

Trump oo markii hore cododka ku horeeyey ayaa waxaa hada muuqata in murashaxa la tartamaya Joe Biden uu soo gaaray dhinaca cododka isla markaana ay dhici karto in Trump looga guuleysto qaar kamid ah gobalada ay weli tirinta cododka ay ka socoto.

Degmooyinka aan weli la dhameystirin tirinta cododka ayaa waxaa kamid ah deegaanada ay ku badan yihiin taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga.

Waxaa jira codod badan oo ay shacabka horey usii dhiibteen maalmihii lasoo dhaafay, cododkaasi oo aan weli la wada tirin ayaa la rumeysan yahay in ay u badan yihiin dadka taageersan Dimuquraadiga, taasi oo ka dhigi karta in Dimuquraadiga ku guuleysto gobalada uu loolanka adag ka socdo sida: Michigan, Wisconsin iyo Pennslylvania.

Waxaa jira gobalada kale ee Arizona, North Carolina iyo Georgia oo ay codod isu dhaw heleen labada murashax.

Cabsida Trump ayaa ah in la tiriyo cododka weli dhiman ee shacabka horey u dhiibteen, isagoo sheegay in uu maxkamada sare ka codsan doono in la joojiyo tirinta cododka.

Joe Biden oo isagu wakhti kahor sii hadlay ayaa shacabka ka codsaday in ay dulqaataan inta ay socoto tirinta cododka, isagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin dhankooda inay guuleysan doonaan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *