Trump oo sheegay haduu guuleysto inuu xiri doono xaduudaha Mareykanka

Published: July 19, 2024

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ahna Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa si rasmi ah u aqbalay murashaxnimadiisa, isagoo shirweynaha xisbiga Jamhuuriga kasoo jeediyey khudbadiisa.

Khudbada Trump ayaa ahayd tii ugu horeysay oo uu soo jeediyey tan iyo intuu ka badbaaday weerarkii lala beegsaday xili uu ku sugnaa gobalka Pennsylvania, sabtidii lasoo dhaafay.

Trump ayaa ka hadlay qorshihiisa isagoo ku eedeeyey Xisbiga Dimuquraadiga inuu burbur u geystay dhaqaalaha iyo amniga wadanka Mareykanka.

Donald Trump ayaa inta badan khudbadiisa diirada ku saaray in uu xakameyn doono dadka magangelyo doonka ah ee dalkaasi taga, isagoo sheegay inuu xiri doono xaduuda dalkaa la wadaago Mexico, maalinta ugu horeysa ee uu xilka qabto.

Sicir bararka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha Mareykanka ayuu ku eedeeyey xisbiga taladda haya.

Xisbiga Dimuquraadiga iyo Madaxweynaha xilka haya ee Joe Biden ayuu ku eedeeyey inay sidoo kale ku fashileen siyaasadda arrimaha dibada, isagoo sheegay in Adduunka uu hada qarka u saaran yahay dagaalkii 3aad ee dunida.

Horseed Media