Tunisia oo sheegtay in la la’yahay 23 qof oo tahriibayaal ah oo kusii jeeday dalka Talyaaniga

Published: May 18, 2024

Ilaa 23 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay kadib markii ay doon ka raaceen Tunisia kuna sii jeedeen dalka Talyaaniga, sida ay sheegeen ilaalada qaranka ee dalkaasi Sabtidii.

Tunisia ayaa waxaa soo food saartay dhibaato dhanka tahriibka ah, waxayna badashay dalka Liibiya oo ay ka dhoofaan dadka ka soo cararaya faqriga iyo colaadaha Afrika iyo Bariga Dhexe, iyagoo rajo ka qaba in ay nolol wanaagsan ka helaan Yurub.

Ciidamada ilaalada qaranka ayaa sheegay in ay diyaariyeen cutubyo sabeynaya, ayna ku wargeliyeen ciidamada badda in ay gacan ka geystaan ​​baadigoobka dadka maqan.

Horseed Media