Turkiga: Ciidamada Ammaanka oo soo bandhigay Haweenay la sheegay inay ka dambeysay qaraxii ka dhacay Istanbul

Published: November 14, 2022

Ciidamada Ammaanka ee dalka Turkiga ayaa soo Bandhigay Haweenay lagu Magacaabo Ahlan Albashir, taas oo ay sheegeen inay ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul.

Haweenadan ayaa sida Boolisku sheegay waxay kasoo jeedaa Dalka Suuriya.

Tallaabada soo qabashada Haweenaydan kasoo jeeda Suuriya ayaa imanaysa iyadoo Dowladdu dusha ka saartay Qaraxa Kooxda Dalkaas laga mamnuucay ee PKK.

Qaraxaii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 ruux halka 81 kale ay ku dhaawacmeen.

Horseed Media