Turkiga oo billowday dib u dhiska guryaha ku dumay Dhul-gariirkii ku dhuftay dalkaas

Published: March 6, 2023
Shares62

Dowladda Turkiga ayaa billowday dib u dhiska guryaha iyo dhismaha kale ee Dowladeed ee ku burburay dhul-gariirkii xooggaanaa ee ku dhuftay dalkaas 6dii Febaraayo 2023 ee galaaftay nolosha dad ku dhow 50 kun oo ruux.

Tallaabadaan waxa ay muujineysaa in lasoo gabagabeeyay baadi-goobka dadka la waayay ee raadintooda muddo bil ah ka socotay gobollada dhaca xadka Turkiga uu la wadaago Jamhuuriyadda Suuriya.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa sheegay in si tartiib-tartiib ah dib loosoo celinayo nolosha dadka ku noolaa Gobollada uu dhul-gariirku saameynta taban ku reebay iyada oo ay guryo la’aan yihiin in ka badan 1.5 Milyan oo ruux.

Dowladda Turkiga ayaa ballanqaaday in ay dhiseyso dhismaha burburay iyo kuwa dhaawaca soo gaaray ee laga cabsi qabo in haddii dadku dib u degeen ay ku dumaan halkaasina ay ka dhalato waxyeello kale waa sida hadalka loo dhigay.

Horseed Media