Turkiga oo calooshood u shaqeystayaal Suuriyaan ah u diray Niger

Published: May 18, 2024

Boqolaal calooshood u shaqeystayaal Suuriyaan ah ayaa Turkiga u diray Niger bilihii la soo dhaafay si ay u ilaaliyaan danaha dhaqaale iyo kuwa militari ee Ankara ee dalka ku yaal Galbeedka Afrika, sida ay sheegeen koox u dooda xuquuqda aadanaha iyo khubarada.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay Britain, oo cilmi-baarayaal ku leh guud ahaan Suuriya, ayaa ku warramaysa in qoritaanka dagaalyahannada Suuriya ee loo dirayo dalka Niger ay socotay dhowr bilood.

Turkiga ayaa hore dagaalyahano Suuriyaan ah u daad gureeyay goobaha kale ee ay colaaduhu ka jiraan oo ay ku jiraan Asarbayjaan iyo Liibiya iyada oo adeegsanaysa SADAT International Defence Consultancy oo ah shirkad ciidan oo gaar loo leeyahay, waxaana la sheegay in ay xidhiidh dhow la leedahay dawladda Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli saraakiisha difaaca ee Niger iyo Mareykanka ay ka wada hadlayaan qorshaha lagu doonayo in dhammaan ciidamada Mareykanka looga saaro dalkaasi.

Milateriga Niger, oo xukunka ka tuuray madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay bishii July ee sannadkii hore, ayaa dalbaday in la soo afjaro joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkaas.

Horseed Media