Turkiga oo duqeeyey Kurdida Waqooyiga Ciraaq iyo Siiriya

Published: January 21, 2024

Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa 17 dagaalyahanada Kurdida ku dilay waqooyiga Ciraaq iyo waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga maanta oo Axad ah.

Hawlgalkan ay Turkida ugu magacdareen Claw-Lock ayey la beegsadeen waqooyiga Ciraaq, halkaasi oo lagu dilay 10 ka tirsan kooxda PKK.

Hawlgalka kale oo ay fuliyeen Turkida ayaa la sheegay in lagu dilay 7 ka tirsan maleeshiyaadka PKK/YPG ee waqooyiga Suuriya.

Wasaaraddu waxay sidoo kale muujisay sida ay uga go’an tahay Turkida inay tirtiraan waxay ugu yeereen argagixisada.

Kooxda PKK iyo garabkeeda Suuriya ee YPG ee u dagaalanta madax banaanida Kurdida ayaa muddo 35 sano ah weerar ka geysaneysay gudaha dhulka Turkiga, weeraradaasi oo lagu dilay dad ka badan 40.000 qof.

Duqeyntan Turkida ayaa kusoo beegantay asbuuc kadib markii IRAN gantaalo ku duqeysay waqooyiga Suuriya iyo Ciraaq, Iran ayaa weeraradaasi sheegtay inay la beegsatay xarumaha Daacish ee gobalka Idlib ee Suuriya iyo waliba xarunta sirdoonka Israel ku lahaayeen caasimada ismaamulka Kurdida Ciraaq ee Erbil.

Horseed Media