Turkiga oo joojiyay ganacsigii uu la lahaa Israa’iil

Published: May 3, 2024

Turkiga ayaa joojiyay dhammaan wax u dhoofinta iyo soo dejinta ganacsiga Israel wixii laga bilaabo Khamiistii shalay, wasaaradda ganacsiga ee Turkiga ayaa sheegtay, iyada oo soo xiganeysa “musiibada bini’aadanimo ee sii xumaaneysa” ee dhulka Falastiiniyiinta.

“Turkigu wuxuu si adag u fulin doonaa tallaabooyinkan cusub ilaa ay dawladda Israa’iil ogolaato qulqulka gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza oo aan kala go’ lahayn.”

Wasaaradda ganacsiga ee Turkiga

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa Khamiistii sheegay in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu jebinayo heshiisyadii ay horey u wadagaleen.

“Tani waa sida uu u dhaqmo kaligii-taliye, isaga oo iska indha tiraya danaha dadka Turkiga iyo ganacsatada, iskana indhatiray heshiisyada ganacsiga caalamiga ah,”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Katz

Erdogan oo kamid ah hogaamiyayaasha dalalka Islaamka oo sida weyn uga hadla arrimaha Falastiin, hadana dhinaca kale Turkiga wuu sii waday ganacsiga uu lalahaa Israel lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee Israel xasuuqa ka waday Gaza, arrintaasi oo ay si weyn u cambaareeyeen qaar badan oo kamid ah shacabka Turkida.

Horseed Media