Turkiga oo qabtey lacagtii ugu badneyd oo doollar faalso ah

Published: June 10, 2023

Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan hal bilyan oo dollar oo faalso ah, dhcadadan ayaa loo qabtey lix qof oo ku lug lahaa lacagta faalsada ah, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay dalka Gaana iyo saddex qof oo Iswedhish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

Ciidamada koofiyad casta ayaa dadkan ku raad-joogay, iyada oo markii dambe ay kasoo qabteen goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqol-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay xafiisku.

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen. Qunsuliyadaha Iswidishka iyo Gaana aya la ogeysiiyay qabashada xubnahan.

Waa lacagtii ugu badneyd ee faalso ah ee abid lagu qabto dalka Turkiga sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

Source: Reuters