Uganda: In kabadan 40 Ruux oo ku Dhintay Weerar Argagixiso

Published: June 18, 2023

Mintidiin xiriir la leh kooxda Daacish ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 40 qof oo arday u badan kaasi oo ka dhacay galbeedka dalka Uganda, waana weerarkii ugu xumaa ee muddo ka badan toban sano ka dhacay Uganda, sida ay Sabtida maanta ah sheegeen saraakiisha militariga iyo kuwa booliiska ee dalkaasi.

Militariga ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan mintidiin ka tirsan kooxda Allied Democratic Forces (ADF) ka dib markii ay gelinkii danbe ee Jimcihii ka soo gudbeen xuduudda, ayna weerareen dugsi hoose oo ku yaalla Mpondwe oo ka tirsan degmada Kasese ee u dhow xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Baarayaasha ayaa sheegay in qolalkii ay ardaydu jiifeen dab la qabadsiiyay, weerar bahalnimo ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeysay ADF, oo ah mid ka mid ah kooxaha gaysta dilalka ugu badan kana dagaalanta gudaha bariga Koongo.

“Nasiib darro, 37 meyd ah ayaa la helay waxaana la geeyey qolka meydka ee isbitaalka Bwera,” ayuu afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulayigye ku sheegay qoraal uu soo saaray, isagoo ka hadlayay magaalo ku dhow halka uu weerarku ka dhacay.

Guddoomiyaha deegaanka ee Kasese, Joe Walusimbi, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ugu yaraan 25 ka mid ah dadka dhintay “la xaqiijiyay in ay arday ka ahaayeen iskuulka”.

Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Uganda tan iyo 2010-kii oo laba qarax oo ka dhacay Kampala ay ku dhinteen 76 qof, weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

AFP

Horseed Media