Uganda oo Ka Hortagaysa In Aan Baasaboorkeeda Hab Khiyaano Ah Lagu Qaadan

Published: August 16, 2023

Hay’adda u qaabilsan Uganda bixinta kaararka aqoonsiga qaran ayaa Isniintii joojisay in ka badan 7,680 codsiyo been abuur ah oo ay soo gudbiyeen dad ajaanib ah oo iska dhigaya Yugaandheys.

Simon Mundeyi, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Uganda, ayaa todobaadkii hore sheegay inay sare u kaceen dadka ajaanibka ah, gaar ahaan Kenya, Nigeria, Rwanda, South Sudan, Eritrea, Somalia, Ethiopia kuwaasoo si khiyaano ah u raadsanaya kaararka aqoonsiga. si ay u helaan Baasaaboorka Yugaandha.

Waxa ay ku soo beegantay todobaad ka dib markii hay’adda ilaalinta jinsiyadaha iyo socdaalka Uganda ee DCIC ay sheegtay in ay la wareegtay 10,000 oo aqoonsi ah oo ay si been abuur ah u qaateen ajaanib.

“Waxaan aragnay tiro badan oo ajnabi ah oo isku dayaya inay qaataan baasaboorka Uganda. Qaar ka mid ah waxay rabaan inay halkan u yimaadaan si ay u isticmaalaan qaab khiyaano ah si ay u helaan baasaboorkeena ayuu yiri Mr Mundeyi oo la hadlayay warbaahinta usbuucii hore.

Horaantii bishaan, mas’uuliyiinta Uganda ayaa xiray labo qof oo u dhashay Nigeria iyo Kongo, kaddib markii ay si sharci darro ah isku dayeen inay ku qaataan baasaboorka Uganda.

Horseed Media