Madaxwaynaha Puntland oo isku beddal ku sameeyey qaar kamid ah golaha wasiirada

Published: September 23, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isku beddel iyo magacaabid cusub ku sameeyey golihiisa xukuumadda.

Waxa u xilkii ka qaadey: Wasiirkii Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, waxaana uu booskaas geeyey Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo horey u joogey wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxa uu Wasaaradda arrimaha gudaha u magacaabey Siyaasi Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaan Juxaa, oo horey u ahaan jirey wasiirka waxbarashada ee Puntland, marna dowladda federaalka ka soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha, waa nin si weyn ugu ololeeya barnaamijka dimoqraadiyadda.

Sidoo kale waxa uu xilkii laga qaadey wasiirkii cadaaladda iyo arrimaha diinta oo isla Garoowe ka soo jeeday Cawil Sheekh Xaamud, waxa beddelkiisi la keenay: Maxamed Siciid Faroole waxaase laga beddalay wasaaradda waxaana la geeyey Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamig ah, ninkan ayaa kamid ah qurba joogta Puntland, waxaana uu muddo dheer ku noolaa Australia.

Wasiirkii wasaaradda qorsheynta Jamaal CarabYusuf oo la magacaabey shan bilood ka hor ayaa xilkii waa laga qaadey waxaana loo beddalay Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee Puntland ee loo yaqaan PISA oo uu horey u joogey Mukhtaar Jeyte, booskiisi wasiirka waxaa loo magacaabey Maxamed Cabdiwahaab oo la geeyey wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta.

Waxaa xilkii waayey nin kamid ahaa raggii sida dadban ula shaqeeyey Siciid Deni xiligii doorashada PL, oo ahaa xoghayihii guddigii soo xulista golaha wakiilada 2018, waa Maxamed Cabdulqaadir oo ahaa wasiiru dowlaha maaliyadda, waxaana lagu beddalay ruug cadaaga suxufiga aha Cabdirisaaq Sheekh Adduun, oo sidaan oo kale dowladdii gaas dhamaadkeedi loo magacaabey wasiir ku-xigeen.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Deni in uu sii wado isbeddelka ilaa maalinta Isniinta, sidoo kale waxaa laga sugayaa magacaabista qeyhaha kale ee hay’adaha dowlada iyo Maxkamadda sare.

——

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu Xeeriyey:
B Bedel

  1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
    T) Magacaabid
  2. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
  3. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
  4. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
  5. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
  6. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
    DHAMMAAD