Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Mali

Published: February 25, 2023

Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay dablay hubaysan ka geysteen bartamaha dalka Mali.

Weerarkan oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ay kooxaha Islaamiyiintu ay ka geystaan dalkaas ayaa ka dhacay magaalada Bankass Circle ee ku taalla gobolka Mopti ee dalka Mali, sida laga soo xigtay maayarka magaaladaas.

Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la baaxaa degaya qalalaase gacan ka hadal wata, oo ay wadaan kooxo xidhiidh la leh ururada al-Qaacida iyo Daacish.

Kooxahan Islaamiyiinta ayaa sidoo kale hawlgallo ka geysta dalalka deriska la ah Mali, iyaga oo ku dilay kumanaan qof, halka ay barakiciyeen malaayiin qof.

Horseed Media