Ugu yaraan 169 qof oo ku dhintay daadad ku dhuftay caasimadda DR Congo ee Kinshasa

Published: December 17, 2022
Shares2

Tirada dhimashada ee dadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sii kordheysa kadib roobab mahiigaan ah iyo fatahaado xooggan oo dalkaasi ku dhuftay maalmihii la soo dhaafay.

Ugu yaraan 169 qof ayaa ku dhintay roobab khasaare badan geystay oo ka da’ay caasimadda Kinshasa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

Sidoo kale Daadadka ayaa sababay burburka 280 guri oo ku yaalla caasimadda oo ay ku noolaayeen ilaa 15 milyan oo qof, kuwaas oo ku dhawaad 38,000 oo qof oo degganaa ay saameeyeen.

Sannadkii 2019, ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay magaalada Kinshasa markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een xaafadaha hoose ee magaalada, kuwaas oo daad qaaday dhammaan degmooyinka, isla markaana sababay burburka dhismayaal iyo waddooyin.

Horseed Media