Ugu yaraan 36 qof lagu diley bariga dalka Congo

Published: March 10, 2023

Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu diley dhinaca bari ee jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo kadib weerar ay ka geysteen kooxaha xagjirka ah ee dalkaas, sida uu sheegay milateriga dalka Congo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Congo ayaa sheegay in kooxda lagu magcaabo Xoogagga Isbahaysiga ee Dimoqraadiga ah oo gacan saar laleh kooxda ISIS inay ka dambeeyeen weerarka lagu dilay dadka rayidka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkani ka dhacay Bashu, halkaas oo kooxda weerarka soo qaaday ay dileen 36 rayid ah, halka ay gubeen qaar ka mida guryihii halkaas ku yaallay.

Xaaladda dhinaca bari ee Congo ayaa maalmihii dambe ahayd mid cakiran, waxaana halkaas ka dagaalama illaa 120 kooxood oo ku loollamaya awoodda deegaankaas, khayraadka halkaas ku jira iyo weliba qaarkood oo u dagaalamaya inay ilaaliyaan bulshooyinkooda.

Horseed Media