Ugu yaraan 51 askari oo lagu dilay waqooyiga dalka Burkina Faso

Published: February 21, 2023
Shares22

Taliska Ciidamada Burkina Faso ayaa sheegay in in ka badan 50 askari lagu dilay weerar ay kooxo loo maleynayo maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay ka geysteen waqooyiga dalkaas.

Warka kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in ilaa hadda la helay meydadka 51-askari halka wali la la’yahay dhowr askari, waxaana goobta uu weerarka ka dhacay laga qaaday saddex askari oo dhaawac ah.

Militariga ayaa sheegay in 8 askari ay ku dhinteen weerarka kaasoo ay ku tilmaameen dagaal xoogganaa oo ka dhacay gobolka Oudalan.

Sanadkan waxaa sare u kacay weerarada ka dhaca waqooyiga Burkina Faso, iyadoo in ka badan 100 qof ay ku dhinteen lixdii toddobaad ee ugu horreysay ee isla sanadka.

Horseed Media