Ugu yaraan 78 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday dalka Yemen

Published: April 20, 2023
Shares2

Ugu yaraan 78 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday iskuul ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay ka socotay qeybinta sadaqada bisha Ramadaan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Muuqaalo laga soo duubay TV-ga, ayaa muujinaya dad aad u fara badan oo aan awoodin inay dhaq dhaqaaqaan iyo in badan oo ku dhibaateysan nawaaxiga Bab al-Yemen ee magaalada.

Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshada, ayaa muujinaya dhulka yaalla oo gaaraya illaa iyo tobon, kuwaasoo qaarkood aan dhaqdhaqaaq lahayn.

Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in la xiray labo nin oo ka mid ahaa ganacsatada deegaanka oo soo qaban qaabiyay xaflada, waxaana socda baaritaan.

Horseed Media