Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 12 kalena waa ku dhaawacmeen weerar gantaal oo Ruushku ku qaaday dhisme weyn

Published: June 28, 2024

Gantaalka Ruushka ayaa Jimcihii ku garaacay dhismo ka kooban sagaal dabaq oo ku yaalla magaalada Dnipro ee badhtamaha Ukraine, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan hal qof, 12 kalena waa ku dhaawacmeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Ihor Klymenko ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay kor u kacdo iyadoo dad badan ay ku harsan yihiin dhismaha oo afar dabaq oo sare ay ku dumeen natiijada weerarka.

Hadal dambe oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in la damiyay dabkii goobta ka kacay, hal qof ayaa laga helay burburka hoostiisa, waxaana la la’yahay laba qof.

Guddoomiyaha gobolka Serhiy Lysak ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro ilmo yar oo 7 bilood jir ah. Saddex qof ayaa xaaladoodu aad u liidataa.

Horseed Media