UK oo u ogolaatay Ukraine in hubkeeda u adeegsato duqeynta Ruushka

Published: July 11, 2024

Dowlada UK ayaa markii ugu horeysay shaacisay in hubka ay ugu deeqday dalka Ukraine loo adeegsan karo duqeynta gudaha wadanka Ruushka.

Raysalwasaaraha cusub ee UK Keir Starmer ayaa ka dhawaajiyay in Ukraine ay isticmaali karto gantaalada Storm Shadow ee Britain si ay u garaacdo bartilmaameedyada militari ee gudaha Ruushka, isagoo xaqiijiyay inuu sii wadi doono siyaasadii hore ee dowladda UK ee ku aadan adeegsiga hubka riddada dheer ee Ukraine la beegsaneyso Ruushka.

Starmer ayaa intaas ku daray inay ku xiran tahay Ukraine sida ay u isticmaaleyso gantaalada ay ku deeqday UK, mar ay saxaafadda wareysatay xili uu safar usii ahaa shirka NATO ee ka dhacay Washington DC.

Hogaamiyaha cusub ee UK ayaa Arbacadii shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee marti gelinaya shirweynaha xuska 75aad ee Isbaheysiga NATO.

Horseed Media