UK: Xukuumada Cusub oo xilka la wareegtay

Published: July 6, 2024

Maalin kadib markii lagu dhawaaqay Natiijada Doorashadii Guud ee dalka Ingiriiska, xukuumada cusub ee uu soo dhisay xisbiga Shaqaalaha (Labourka) ayaa xilka la wareegay iyagoo yeeshay kulankoodii ugu horeeyey.

Raysalwasaaraha cusub Keir Strarmer oo Jimcihii shalay xilka la wareegay ayaa soo dhisay xukuumadiisa oo ay ku jiraan 11 haween ah. Wuxuuna sheegay in Wadanka UK u baahan yahay isbedal dhinac walba ah.

Doorashadii Khamiistii dhacday ayaa ahayd mid taariikhi ah oo jab weyn kasoo gaaray xisbi Xaakimkii Conservative-ka oo dalkaasi kasoo talinayey 14kii sano ee lasoo dhaafay.

Raysalwasaarihii hore Rushi Sunak ayaa shalay xafiiskiisa iyo hoygii uu degenaa baneeyey, sida uu qabo sharciga UK, saacado kadib markii Jimcihii shalay lagu dhawaaqay natiijada kama danbeysta ah ee doorashada.

Isla shalay ayuu Raysalwasaaraha cusub Keir Starmer u tagay Boqorka UK, si uu ugu sheego inuu soo dhisayo xukuumada cusub oo maanta oo Sabti ah xilka la wareegtay.

Natiijada Doorashada

Isku geynta saamiga codbixinta ee xisbiyada Shaqaalaha-ka iyo Xisbi Muxaafidka ee doorashadii Khamiista ayaa ahayd tii ugu hooseysay taariikhda.

Marka la eego muxaafidka iyo shaqaalaha oo la isku daray saamiga codadkooda, wuxuu ahaa 56% oo kaliya. Waa cododkii ugu yaraa oo ay helaan labada xisbi ee ugu waaweyn dalkaasi.

Xisbiyada yar yar ee kale ayaa sidoo kale codod badan helay.

Labour-ku waxay ku guuleysteen 412 degaan-doorasho oo ka tirsan 650-ka kursi ee Aqalka Hoose – iyadoo hal natiijo oo keliya ay ka hartay in lagu dhawaaqo – taasoo siisay aqlabiyadda.

Muxaafidka ayaa ku guuleystay 121 kursi oo kaliya – rikoorkoodii ugu hooseeyey – iyadoo codka garabka midig uu sida muuqata kala qaybiyay xisbiga Nigel Farage ee kasoo horjeeda dadka soogalootiga ah, kaasoo helay shan kursi.

Horseed Media