UNSOM Oo Wakhtiga Loo Kordhiyey

Published: August 29, 2020

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo xileedkii ugu kordhiyey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

Fadhi gaar ah oo ay yeesheen golaha amaanku ayey cod aqlabiyad ku meel-mariyeen in muddo hal sanno ah loogu daro xafiiska UNSOM, taasoo noqonaysa inay sii joogaan ilaa 31-ka Agoosto 2021.

Qaraar dhan 2540, ayey golaha amaanka kaga codsadeen xafiiska UNSOM inay sii siina xoojiyaan joogitaankooda gudaha Soomaaliya iyo dhamaan dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah fedeeralka Soomaaliya.

Golaha ammaanku wuxuu bogaadiyey taageerada uu xafiiska UNSOM siiyo dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta siyaasadda sida doorashooyinka 2020/2021, geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, dhexdhexaadinta, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, horumarinta booliska federaaliga ah iyo nidaamka garsoorka, xoojinta ku dhaqanka sharciga iyo dib u habeynta waaxda amniga, iyo isku-dubaridka taageerada kobcinta awooda ee arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa.

Dhanka kale wuxu goluhu ku booriyay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo nabadgelyo ku habboon doorashooyinka loo dhan yahay ee guud ahaan Soomaaliya iyo heerar kasta si loo kobciyo hannaanka siyaasadeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *