Urur Goboleedka IGAD Oo Soo Saaray Warmurtiyeed U Xaglinaya Itoobiya

Published: January 3, 2024

Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada u dambeeyay ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Itoobiya (FDRE) iyo dawladda federaalka Soomaaliya (DFS). IGAD waxay si qoto dheer ah ula socotaa xaaladda waxayna aqoonsan tahay saamaynta ka dhalan karta xasilloonida gobolka.

Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda urur gobaleedka IGAD in gacanta lagu dhigo xaaladan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.

IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka.

Horseed Media