Urur Siyaasadeedka MIDEEYE ayaa maanta shir ballaaran ku yeeshay xafiiskooda magalada Bossaso.

Published: December 24, 2022
Shares40

Kullankan oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mideeye Daahir Xaaji Khaliif iyo Gen Asad Osman Abdulahi Gudoonka xafiiska Gobalka & xubno kale oo ka tirsan Aasaasayaasha ayaa ka qeyb galay kulankan.

Kulanka oo ay soo abaabuleen Hawlwadeenadan18ka xafiis ee magaalada Bosaso, waxayna ka dhageysaneen warbixin madaxda Sare ee ururka iyo duruufaha dalka ka jira.

Madaxda urur siyaasadeedka Mideeye waxay maanta ka hadleen in aan lagu heshiis ilaa iyo hadda 13-kii qodob ee ururada siyaasadda Garoowe ka soo saareen, loona gudbiyey dowladda, taasoo caqabad ku ah doorashada.

Kulankaasi kadib waxaa loo balaamey in shirweyne shacab oo taageerayaasha ururka lagula kala war qaadanayo loona soo bandhigayo caqabadaha ku geedaaman hanaanka doorashada.