Urur Siyaasadeedka Mideeye Oo Ka Digay In La Furo Dastuurka Puntland

Published: June 16, 2023

Urur Siyaasadeedka Mideeye oo kamid ah ururada siyaasadda Puntland ayaa hadlay doorashadii goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland ee ka dhacday 30-ka degmo iyo marxalada siyaasaddeed ee Puntland marayso.

War saxaafadeed kasoo baxay Ururka Mideeye ayaa ugu horeyn dhambaal mahadcelin ah loogu diray dadweynihii iyo hawlwadeenadii reer Puntland ee sida habsami u socodka ah uga qaybqaatay codaynta doorashada.

Sidoo kale ururka Mideeye ayaa ka digay in dano gaar ah xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni u furto dastuurka Puntland, kaasoo xiligan hindise sharciyeedkiisu horyaallo kalfadhiga golaha wakiilada Puntland.

” Urur Siyaasadeedka Mideeye marku arkay duruufaha colaadeed, duruufaha siyaasadeed ee ku xeeran Puntland iyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee bulshada Puntland, wuxuu baaq u soo jeedinayaa: Qodobada hoos ka akhriso: