Urur siyaasadeedka Mideeye oo si adag uga hor yimid wax ka beddelka dastuurka Puntland

Published: July 15, 2023

Urur siyaasadeedka Mideeye oo ah ururka labaad ee ugu codadka badnaa doorashooyinkii ka dhacay Puntland ayaa si adag uga hor yimid in wax laga beddelo dastuurka Puntland. Mideeye ayaa sheegay in doorashada markii la gelaayey lagu galay xeerar iyo dastuur, natiijadiina ay so baxdey, sidaas darteed in aysan suurta gal ahayn doorasho dhacdey in natiijada wax looga beddelo ka dabatag lagu sameeyo dastuurkii oo la beddelo, hoos ka akhri war saxaafadeedka Mideeye.

Aragtida Ururka Mideeye Ee ku Aaddan Furista Dastuurka iyo Xaaladda Guud Ee Puntiand.

15 July 2023 Garoowe, Puntland Soomaaliya

Golaha Baarlamanka Puntland taariikhdu markay ahayd 20-kii Juun 2023 waxay sheegeen inay u codeeyeen qodobo ka mid ah dastuurka in isbadal lagu
sameeynaayo.

Waxaan bulshadeenna sharafta leh iyo cid kastoo dareemaysa mas’uuliyad inay ka saarantahay Puntland la wadaagaynaa qodobadaan soo socda:-

  1. Taariikhdu markey ahayd 25-kii bishii May 2023, waxaa dhacday doorashadii Golayaasha Deegaanka Puntland taas oo ay ku soo baxayeen xisbiyada siyaasadeed ee Puntland yeelanayso. Shuruucda doorashadaas lagu galay waa Dastuurka iyo Xeerarka Doorashooyinka, Qodobka 46-aad ee dastuurka faqradiisa 3-aad waxa uu qeexayaa in saddexda Urur ee ugu codbata ururada doorashada golayaasha deegaanka ay nogonayaan saddexda Xisbi siyaasadeed ay Puntand yeelanayso. Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) waxay ku dhawaaqeen natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada 03/06/2023, halka 12/06/2023 TPEC u gudbiyeen Maxkamadda sare natiijadii doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland si ay ugu dhawaaqdo natiijada rasmiga ah. Doorashada sidaas u qabsoontay looma adeegsan karo dastuur hada ka dib wax laga beddelaayo madaama ay tahay ficil dhacay, sida sharcigu qabana dastuurka iyo xeerkii laysku waafaqo hadda ka dib, timaaddada ayuu dhaqan gal u noqon karaa sinaba uma khueseyn karo wixii ka horeeyey, sidoo kale waxaa qaba oo ku qeexantahay xeerka ciqaabta qodobkiisa 2’aad. Sidaa awgeed baarlamaanka awood uma lahan inuu saameyn ku yeesho ama wax ka beddalo qodabadii dastuuriga ahaa ee lagu galay dooraashadii 25-ii bishii May 2023 iyo natiijadeedii ka soo baxday. Waxaan dadka reer Puntland u cadaynaynaa in Madaxweynaha Puntland markasta caqabad ku ahaa hanaanka dimuqriyadda iyo dhamaystirkiisa daacadna uusan ka ahayn isaga oo jajuub iyo awood maroorsi ku waday geedi socodka.

  1. Waxaa 12-ka bishian July 2023 ku ekeyd muddadii maxkamadda sare ku dhawaaqi lahayd natiijada doorashada taas oo aan weli dhicin, sidaas daraadeed daahitaankaas wuxuu walaac ku abuurayaa Ururka Mideeye iyo guud ahaan Bulshada Puntland.
  2. Ururka Mideeye wuxuu aaminsan yahay in Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka dimoqraadiyadda. Si taas loo gaaro, urur siyaasadeedka mideeye wuxuu juhdi iyo tanaasul geliyey sidii ay u hir-geli lahayeen doorashooyinkii golayaasha deegaanka Puntland, dadweynahana loo sahlo siday codkooda u dhiiban lahaayeen. Waxaan dadka reer Puntiand u caddaynaynaa in Madaxweynaha Puntland markasta caqabad ku ahaa hanananka diimuqriyadda iyo dhamaystirkiisa daacadna uusan ka ahayn, markastana jajuub iyo awood maroorsi ku waday geedi socodka.
  3. Madaxweynaha Puntland iyo Guddoonka Baarlamaanku oo ka wada tirsan ururka Kaah waxay qaadayaan masuuliyadda dhibaatooyinkii dhacay, sidaas daraadeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqeynaa inuu talada miiska soo saaro oggolaado wadahadal iyo wadatashi.
  4. Waxaa nasiib darra ah oo Urur Siyaasadeedka Mideeye ka xunyahay in Madaxweyanaha Puntland muddadi uu xilka hayey caadeystay kuna soo
    hoggaaminayey Puntland siyaasad kali-talisnimo oo ku dhisnayd wadatashi la’aan taas oo ay ka dhalatay amni daro, dhaqaale burbur, kala geyn bulsho iyo iska hor-imaadyo hubaysan oo la iska horkeenay ciidamadii Puntland, uguna danbaysay dirirtii foosha xumayd ee ka dhacday caasimadda Puntland ee Garowe taas oo laga baaqsan karay, waxaa dagaalkaasi sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac bulsho rayid ah, taas oo dadka reer Puntland u qalmin.

Gunaanad

Urur siyasadeedka Mideeye wuxuu cadaynayaa in arrimahaan kor ku xusan ee gafka ku ah dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal, danta keliya ay ka lee yihiin ururka KAAH iyo Goloyaasha dawladda qaarkood ay tahay muddo kororsi keliya, iyagoo iska indho tiraya mas’uuliyadna aan iska saarayn saameynta iyo cawaaqibka damacoodu uu ku yeeshay kuna yeelan doono nabadda, xasiloonida, maamul wanaaga iyo jiritaanka Puntland.

Faafinta Horseed media