
Ururada siyaasadda ee Puntland ee dhawaan soo saarey war murtiyeed ay ku mideysan yihiin ayaa kulan la qaatey wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya Garoowe Mr. Guy Griffin iyo qaar kale oo ka mid ah saraakiisha hay’addaha Qaramada Midoobey u fadhiya caasimadda Puntland ee Garoowe.
Kulanka ayaa daarnaa in beesha caalamku dhegaysato walaaca ay ururada siyaasaddu qabaan ee ku aadan dib u bilaabashada hawlaha doorashada kadib markii muddo 13 bilood ah hakad ugu jirtey Madaxweyne Deni.
Ururada siyaasadda Puntland ayaa u gudbiyey xafiiska in ay diyaar u yihiin doorasho ku dhacda xor iyo xalaal, loo siman yahay laakiin ay jirto caqabado u aahan in la saxo ka hor diiwaan gelintu intaysan bilaaban.
Xafiiska UNSOM ee Garoowe ayaa ballan qaadey in ay walaacooda kor u qaadi doonaan oo ay diyaar yihiin in wixii tabasho ah xal laga gaaro taasna ay soo dhaweynayaan.
Horseed media