Ururadda Bulshada Rayidka Oo Baaq U Diray Shirka Muqdisho

Published: September 10, 2020

Ururadda Bulshada Rayidka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka Muqdisho ee madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

War saxaafadeed kasoo baxay ururadda bulshada rayidka ayaa rajo looga muujiyey shirka Muqdisho, kaas oo lagu qabyo tirayo heshiisyadii Dhuusamareeb 1,2 iyo 3 isla markaana lagu gaaro heshiis guud.

Sidoo kale waxay sheegeen inuu shirkani soo celin karo xiriirkii maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka oo muddo 2 sanno ah taagnaa,

Waxay baaqyo u direen madaxda Soomaalida iyagoo codsaday in shirka la ballaariyo oo lagu casumo ururadda bulshada iyo xisbiyada siyaasadeed si loo gaaro go’aano la wadaag ah.

Golaha shacabka ayey ugu baaqeen in ay dib u dhigaan ka doodista iyo meel-marinta sharciyada iyo guddiyada heer qaran ee ay soo gudbiyeen xukuumada kalsoonida haysan iyo in la fuliyo qodoba ay heshiiyaan madaxda ku shiraysa Muqdisho.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *