Ururka Ahlu Sunna ayaa DFS ku eedeeyay inay colaad ka abuurayso Galmudug.

Published: February 28, 2020

Hogaanka Ahlu-sunah Wal-jamaaca ayaa Dowlada Federalka Soomaaliya ku eedayay in ay ka wado deegaanada Galmudug Hurinta colaad cusub, Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay weeraro la damacsan-yihiin hogaanka ururka Ahlu-Sunah.

War-saxafadeed soo baxay ayaa sidoo kale looga hadlay iska-horimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa degen saaka inkastoo ay weli jirto xiisad ka dhalatay iska-horimaad ka dhacay xalay magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Ahlu-sunah iyo kuwa dawlada y ku dagaalameen deegaanka Gura-ceel.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *