Ururka SINCAD oo warcad ka soo saarey doorashooyinka Puntland

Published: October 12, 2022
Shares26

Urur siyaasadeedka Sinaanta iyo Caddaaladda ee loo yaqaan SINCAD ayaa soo sarey aragtidiisa siyaasadeed ee ku aadan doorashooyina goloyaasha deegaanka ee xukuumadda Puntland dooneyso in ay ku qabato 14 bilood ee soo aadan ee ka harsan muddo xileedkeeda.

Qoraal dheer oo ka soo baxay ururka ayaa lagu yiri:

Urur siyaasadeedka Sinaanta iyo Caddaaladda (SINCAD) ee Puntland wuxuu arkaa in 24 sano kadib dhismihii Puntland ay ahayd in ay leedahay dastuur afti dadweyne lagu asnixiyey, nidaam siyaasadeed oo ku dhisan xisbiyada kala duwan, garsoor madaxbanaan, hanti-dhawre xilkiisa gudanaya, xisaabiye guud oo ka madaxbanaan hay’addii uu xisaabinaayey iyo sidoo kale horumar iyo adeeg bulsho oo dhamaystiran.

SINCAD

Aragtida siyaasadeed ee ku aadan doorashooyinka ee ka soo baxay SINCAD ayaa lagu sheegay haddii Puntland u gudbi weydo nidaamka xisbiyada badan 24 sano kadib ay fashil ku dhamaatey himmilooyinkii loo asaasey Puntland kii ugu weynaa:

Haddii Puntland ay u gudbi weydo nidaamka xisbiyada waxay taasi hoosta ka xariiqeysaa in Puntland lagu fashilmey, loona baahan yahay in dib u eegis iyo hagaajin labaad la isugu yimaado,  taas macnaheedu maaha in maamulka hadda jira lagu taageeraayo qaabkan  afduubka  ah ee uu u wado nidaamka doorashooyinka goloyaasha deegaanka ee ku dhisan ururada siyaasadeed, marka la tixraaco habka ay u qabteen doorashadii magaalada Ayl, iyo weliba habdhaqankii ay laasimeen, haddii uu sidaas ku socdo waxay Puntland u horseedeysaa mid ka xun sida aan kor ku sheegney oo keeni kara  dagaalo iyo in aan laba qof oo danbe isu imaan”

Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa lagu xusey in loo baahan yahay in Puntland laga a badbaadiyo laba aragtiyood oo kala ah:

  1. maamul doonaya in uu dimoqraadiyadda isku-tolo natiijadana ka dhigto sida uu jecel yahay iyo saddex xisbi uu isagu la soo baxay dalka ku maamusho 10 sano ee soo socda.
  2. sidoo kale in la badbaadiyo rajadii ugu danbeysey ee isku-dayga nidaamka dimoqraadiyadda  fursadiisi u danbeysey.

Ururka SINCAD ayaa soo bandhigey qodobo muhim u ah doorashada, ka hor in la sameeyo si waxa loo guurayaa uu u wanaagsanaado:

Haddaba, urur siyaasadeedka SINCAD waxa uu soo jeedinayaa qodobadan:

  1. Garsoorka:
    • dhismaha maxkamada sare iyo maxkmadda dastuurka oo aan la kala reebin.
    • in la magacaabo garsoorayaal caddaalad iyo hufnaan lagu yaqaan oo lagu kalsoonaan karo kuwaas oo leh aqoon waayo aragnimo fahamsana waaqaca siyaasadda Puntland.
  2. Xeerka doorashooyinka 2013 oo isbeddel lagu sameeyo
    • qaabka doorashada ee liiska xiran (close list) in la beddelo
    • tirada xildhibaanada goloyaasha deegaanka ee xad-dhaafka ah, la soo koobo laga dhigo tiro magaaladu qaadi karto.
  3. TPEC:
    • xaqiijinta madaxbanaanida TPEC oo aan cidna ku fara gashan karin shaqadooda.
    • in Dowladdu u fudueyso waxyaalaha kaga xiran xukuumadda oo ay ugu horreyso, dhaqaalaha IWM.
  4. Gobolada ka maqan gacanta Puntland oo xal siyaasadeed laga gaaro, metalaadooda iyo sida loo qabanaayo doorashadooda.
  5. Doorashada oo hal mar kawada dhacda dalka oo dhan oo aan la soo kala hormarin, taas oo la ogaadey caqabadaha iyo fool-xumada ay leedahay.

Shanta qodob ee kore ma sugi karaan dib u dhac;

  • Dastuurka oo dib loo furo si loo saxo qodobada khuseeya doorashooyinka iyo  siyaasadda
    • doorashada Madaxweynaha oo laga dhigo mid shacabku doortaan.
    • in lagu caddeeyo inta uu xilka hayo Madaxweynuhu inuusan xil kale u tartami karin haddii uusan is-casilin.
    • tirada xildhibaanada golaha wakiilada oo dib u eegis lagu sameeyo.
    • doorashooyinka goloyaasha deegaanka iyo tan golaha wakiilada oo la is-raaciyo iyada oo dalka loo turaayo.
    • xukuumadda oo laga dhigo mid ku timaada xisbi ama isbahaysi axsaab oo ah baarlamaani si xisbiyadu macne u yeeshaan
    • xeerka caasimadda Puntland oo si degdeg ah loo sameeyo.

Ugu danbeyntii ayaa qoraalka lagu yiri:

Haddii qodobadan kore laga gaaro heshiis, oo la fuliyo, isla markaana laga dhabeeyo doorasho daah-furan, xor iyo xalaal ah waxaan markaas diyaar u nahay in aan ka qaybgalno doorashooyinka.

Horseed Media