USA: Joe Biden oo isaga haray tartanka Doorashada 2024

Published: July 21, 2024

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka haya Joe Biden ayaa shaaciyey inuu isaga haray tartanka doorashada November, Biden oo cadaadis xoogan uga imaanayey xisbigiisa Dimuqaraadiga ayaa sheegay inuu xilka Murashaxa Madaxweynaha xisbigiisa uu ku taageerayo inay noqoto Madaxweyne kuxigeenkiisa Mrs. Kamala Harris.

Biden oo hada la jiifa cudurka Covid-19 ayaa qoraal uu ku faafiyey bartiisa X, ku sheegay inuu isaga haray tartanka, isagoo sheegay in hada uu xooga saari doono siiheynta xilka Madaxweynaha inta ay doorashada dhaceyso.

Joe Biden ayaa si weyn uga cagajiidayey inuu tartanka ka haro maadaama la sheegay inuusan awood u heyn ololaha doorashada arrimo la xariira caafimaadkiisa ayaa hada ku khasbanaaday inuu aqbalo codsiga uga imaanayey xildhibaanada xisbigiisa.

In kastoo Biden sheegay inuu murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Dimuquraadiga ku taageeri doono inay noqoto Madaxweyne kuxigeenka Kamala Harris, ayaa hadana waxa jira guux weyn oo kasoo yeeraya qaar kamid ah Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga oo doonaya in tartan furan loo galo cidda noqon doonta murashaxa rasmiga ah.

Shirweynaha Xisbiga Dimuquraadiga ayaa dhici doona 19-22ka bisha soo socota ee Agoosto, halkaasi oo ugu danbeyn looga dhawaaqi doono murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi.

Xisbiga Mucaaridka ee Jamhuuriga oo todobaadkii tagay yeeshay shirweynahooda ayaa si weyn ugu taageeray murashaxooda Madaxweynaha Donald Trump oo dhawaan ka badbaaday iskuday dil, iyo kuxigeenkiisa Senatorka laga soo doorto gobalka Ohio J.D.Vance.

Dhamaan xog arurinta laga qaaday codbixiyayaasha Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay muujinaysay in Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu ku horeeyo cododka taageerada marka lala barbardhigo Madaxweyne Joe Biden.

Horseed Media