USA: Kumanaan Shacab ah oo ku mudaharaaday Netanyahu oo ku sugan Washington

Published: July 25, 2024

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo loo heysto xasuuqa shacabka Falastiin ayaa booqasho ku jooga caasimada Mareykanka isagoo khudbad Arbacadii shalay kasoo jeediyey Baarlamaanka Mareykanka.

Netanyahu oo khudbadiisa ku dooday xaquuqda Israel ayaa sidoo kale been badan ku sheegay isagoo ku dooday in ciidamadooda aysan bartilmaamsan shacabka Falastiin, wuxuuna sidoo kale weerar afka ah ku qaaday hay’adaha caalamiga ah ee ka hadlay xasuuqa uu ka geystay Gaza, sida Maxkamada Danbiyada Caalamiga ah ee ICC oo ay hada hortaal dacwado ka dhan ah hogaamiyaha Israa’iil.

In ka badan 95 xildhibaan oo kamid ah Xisbiga Dimuquraadiga ayaa diiday inay ka qeyb galaan kulanka labada aqalka ee Baarlamaanka ee uu khudbada kasoo jeedinayey Netanyahu.

Booliiska ayaa awood u adeegsaday kumanaan shacabka mudaharaadeyey oo isku dayey inay gudaha u galaan xarunta Baarlamaanka. Shacabka ayaa sidoo kale isku dayey inay wadooyinka ka xiraan wafdiga uu hogaaminayey Netanyahu.

Kumanaan shacab ayaa banaanbax ka dhigay magaalada Washington iyo nawaaxiga xarunta Baarlamaanka, waxay sidoo kale gudaha u galeen Watergate Hotel oo uu kusoo degay wafdiga Netanyahu, iyagoo halkaasi ku daadiyey xasharaad iyo washakh.

Horseed Media