USA: Kuxigeenka Trump, Senator J.D. Vance oo wacad ku maray inuu u dagaalami doono shaqaalaha ‘la ilaaway’

Published: July 18, 2024

Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka ee xisbiga Jamhuuriga, Senator-ka kasoo jeeda Ohio, J.D. Vance, ayaa khudbadiisa kasoo jeediyey shirweynaha Jamhuuriga habeenkii Arbacada isagoo sheegay inuu u dagaalami doono shaqaalaha iyo danyarta Mareykanka haddii la doorto November.

“Waxaan ku soo koray Middletown, Ohio, oo ah magaalo yar oo ay dadku si xor ah u hadlaan, gacmahoodana ku dhistaan noloshooda, qalbigoodana ku hayaan Ilaahooda, qoyskooda, bulshadooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Vance, isagoo si rasmi ah u aqbalay murashaxnimada xisbiga Shirweynaha Qaran ee Jamhuuriga oo ka socda magaalada Milwaukee.”

Wuxuu ku eedeeyay “siyaasiyiinta” sida Madaxweyne Joe Biden inay illaaween bulshada dan yarta ah, isla markaana siyaasadooda ay salka ku heyso ganacsi iyo hurinta dagaalada shisheeye.

Vance waxa kale oo uu ka codsaday codkooda inay siiyaan shacabka dabaqadaha shaqeeya iyo kuwa dhexe ee gobalada Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin oo laga yaabo inay noqdaan kuwa go’aamiya natiijada doorashada November.

Horseed Media