USA: Madaxa Illaalada Madaxtooyada oo iscasishay kadib markii cadaadis uga yimid Kongareeska

Published: July 23, 2024

Agaasimihii illaalada Madaxtooyada Kimberly Cheatle ayaa is casishay Talaadadii, ka dib cadaadis uga yimid sharci-dajiyayaasha oo ku saabsan fashilka amni ee isku daygii dil ee madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Mareykanka ayaa Isniintii shalay su’aalo adag ka weydiiyey weerarkii lagu dhaawacay Donald Trump 13kii Luulyo. Jawaabaha ay ka bixisay su’aalahaas ayey ku qanci waayeen xildhibaannada labada xisbi oo si weyn u dhaliilay Agaasimaha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ka aqbalay iscasilaadeeda ayaa u mahadceliyey Ms.Cheatle, oo uu xilkaasi horey ugu magacaabay, isagoo yiri “waxay nafteeda halis u gelisay si ay u difaacdo qarankeena intii ay ku jirtay shaqadeeda Adeegga sirta ee illaalada Madaxtooyada Mareykanka.”

Waxa uu xusay in dib-u-eegis madax-bannaan oo lagu ogaanayo gunta wixii dhacay 13-kii July ay weli socoto.

Horseed Media