USA: Ninkii weerarka geystay gobalka Maine oo la helay isagoo meyd ah!

Published: October 28, 2023

Kadib labo maalmood oo baadi-goob ciidamada amaanka ugu jireen waxaa Jimcihii shalay la helay meydka ninkii weerarka geystay gobalka Maine todobaadkan.

Ciidamada Amaanka ayaa helay Meydka Robert Card, oo ahaa 40 jirkii geystay weerarkii lagu dilay ugu yaraan 18 qof Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Lewiston ee gobalka Maine, waxaana meydkiisa laga helay kaymaha ku yaal duleedka magaalada Lewiston.

Waxaa la rumeysan yahay inuu isagu gacantiisa isku dilay kahor inta aysan soo gaarin ciidamadii baadi-goobayey.

Ninkan oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Kaydka Mareykanka ayaa muddooyinkii danbe ka cabanayey xanuun dhanka dhimirka ah, waxaana dhawaan laga eryay shaqadiisa, taasi oo ay usii dheerayd inay kala tageen saaxiibtiis oo ay muddo dheer wada socdeen, mid kamid ah goobaha uu weeraray ayaa la sheegay inuu ka baadi goobayey saaxiibtiisii hore.

Horseed Media