USA: Obama oo Maxaabiis horleh kasii daayey Guwantanamo- VIDEO

Published: January 17, 2017

Madaxweynaha Maraykanka ee xilka kasii dagaya Barack Obama ayaa xabsiga Gawantanamo kasii daayey maxaabiis gaareysa 10, kuwaasi oo la sheegay in loo qaaday wadanka Cumaan oo ogolaaday inuu soo dhaweeyo maxaabiistaasi.

Barack Obama ayaa sanadihii lasoo dhaafay waday inuu sii daayo maxaabiista lagu hayey Xabsiga ku yaal jasiirada Kuba ee Guwantanamo. Xiligii uu xukunka la wareegay Obama ayey xabsiga ku jireen in ka badan 200 maxbuus, waxaana hada kusoo haray 45 maxbuus.

Obama ayaa ku guuldareystay balanqaadkiisii uu ololaha doorashada ku galay oo ay kamid ahayd inuu xiro xabsigaasi Maraykanka sameeyey kadib duulaankii jawaabta u ahaa weeraradii 9-11 ee Maraykanka ku qaaday dalka Afghaanistaan.

Waxaana xiritaanka Xabsigaasi horjoogsaday xisbiga Jamhuuriga oo caqabad ku noqday Madaweyne Obama qorshayaashii uu damacsanaa inuu hirgeliyo.

Madaxweynaha xilka la wareegaya ee Donald Trump ayaa isagu sheegay inuu kasoo horjeedo in la xiro xabsigaasi Guwantanamo, isagoona balanqaaday inuuba sii balaarin doono xabsigaasi uuna soo dhaweenayo in la jirdilo dadka halkaasi lagu hayo.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *