USA: Shirweynaha Xisbiga Dimuquraadiga oo furmay

Published: August 18, 2020

Waxaa habeenimadii Salaasada soo galeysay si rasmi ah loo furay shirweynaha xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka oo isu diyaarinaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweynaha xilka haya Donald Trump ee hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga.

Shirweynaha sanadkan ayaa la joojiyey in la isu yimaado xili laga cabsi qabo cudurka Covid19 waxaana shirweynahan loo qabtay qaab video ama fogaan arag ah.

Ergada oo shirkan kala socota dhinaca Videoga iyagoo ku sugan dhamaan Maamulada uu ka kooban yahay Federaalka Maraykanka, ayaa waxaa xalay khudbado usoo jeediyey qaar kamid ah Murashaxiintii xilka Madaxweynaha u tartamay kuwaasi oo dhamaantood ku baaqay in la taageero murashaxa xisbigaasi ee Joe Biden.

Michelle Obama

Marwada Madaxweynihii hore Obama, Michelle Obama oo kamid ahayd xubnihii xalay khudbadaha soo jeediyey ayaa weerar adag ku qaaday Madaxweynaha xilka haya Trump oo ay ku sheegtay “Madaxweyne Khaldan” oo halis ku ah shacabka iyo dalka Maraykanka

Michelle ayaa ku boorisay shacabka Maraykanka inay codkooda ka dhiibtaan doorashada sanadkan maadaama khatarta Trump ay tahay mid kasii dareysa maalinba maalinta ka danbeysa, “…Hadii aad isleedihiin Trump kama sii dari karo, waxaan idiin sheegayaa in meel kasii xun hada meesha aan joogno inuu dalka geyn doono…” ayey tiri Marwadii Obama oo weli taageero xoogan ku dhexleh taageerayaasha Xisbiga Dimuquraadiga.

Bernie Sanders

Senator Bernie Sanders oo kamid ahaa murashaxiinta u tartamay hogaaminta xisbiga Dimquraadiga ayaa sheegay in taageero buuxda la siiyo murashax Joe Biden oo uu horey tartan adag u dhexmaray, Senator Sanders ayaa sheegay in Joe Biden uu yahay nin mas’uul ah oo wax badan oo wanaag ah ka qaban-kara xiisadaha iyo dhibaatooyinka uu Trump abuuray sida Cunsuriyada, musuq maasuqa, maamul xumada iyo dhaqaale burburka ku yimid Maraykanka

Waxaa iyaguna khudbado kasoo jeediyey siyaasiyiin horey uga mid ahaan jiray Xisbiga Jamhuuriga oo kasoo goostay Trump kuwaasi oo ugu baaqay shacabka inay doortaan Joe Biden.

Khamiista soo socota ayaa lagu wadaa in Xisbiga Dimuquraadiga uu soo gaba-gabeeyo shirweynahooda iyagoo si rasmi ah ugu dhawaaqi doona Joe Biden inuu yahay murashaxooda doorashada November 2020.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *