USA: Taageerayaasha Kamala Harris oo hal maalin ku aruuriyey 81 milyan oo ay olole ku gasho

Published: July 23, 2024

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Mrs.Kamala Harris ayaa bilowday ololaha ay kula wareegayso murashaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga Dimuquraadiga, kadib markii uu tartanka isaga haray Madaxweynaha xilka haya Joe Biden.

Harris oo booqasho ku tagtay xarunta ololaha Xisbiga Dimuquraadiga ayaa taageero ka heshay Joe Biden oo la filayo inuu cododkiisa ku wareejiyo marka la gaaro shirweynaha Dimuquraadiga oo 19ka Agoosta ka furmaya magaalada Chicago.

Taageerayaasha Kamala Harris ayaa hal maalin ku aruuriyey lacag gaareysa 81 milyan oo dollar oo loogu talo galay ololaheeda doorashada, iyadoo in badan oo kamid ah maalgeliyayayaasha xisbiga Dimuquraadiga ay si weyn usoo dhaweeyeen in Biden tartanka ka haray.

Qaar kamid ah xildhibaanada ugu awooda badan ee xisbiga Dimuquraadiga ayaa sidoo kale la filayaa inay taageeraan murashaxnimada Mrs.Harris, walow ay jiraan xildhibaano doonaya in tartan furan loo galo cidda noqon doonta murashaxa rasmiga ah.

Kamala Harris ayaa hada bilowday baadi goobka ay ugu jirto inay hesho cidda noqon doonta Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka ee xisbigooda, si dardar loo geliyo ololahooda.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa muuqata inuu khal khal ku keenay go’aankii Joe Biden uu tartanka uga haray iyagoo rajeenayey in Biden ku adkeysto murashaxnimada, iyagoo u arkay Madaxweynaha xilka haya murashax daciif ah oo ay si fudud uga guuleysan karaan.

Donald Trump, Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga iyo kuxigeenka J.D.Vance ayaa durbaba bilaabay weerarada ay ku qaadayaan Kamala Harris, iyagoo sidoo kale ku tilmaamay khiyaano Qaran in Joe Biden uusan xilka Madaxweynaha sii hayn karin, hadiiba uusan awood ullahayn inuu xilka markale u tartamo.

Sidoo kale qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku hanjabay inay soo oogi doonaan dacwado sharciyadeed, iyagoo kasoo horjeeda in xisbiga Dimuquraadiga xiligan bedalo murashaxooda Madaxweynaha.

Horseed Media