USA: Trump oo ka qeyb galay Shirweynaha Xisbiga Jamhuuriga

Published: July 16, 2024

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa xalay ka qeyb galay furitaanka shirweynaha xisbiga Jamhuuriga, Trump oo dhaawac fudud Sabtidii kasoo gaarey weerar toogasho ayaa shaaciyey siyaasiga uu u magacaabi doono Madaxweyne kuxigeenkiisa.

Shir weynaha Jamhuuriga oo ka furmay magaalada Milwaukee ayaa lagu wadaa in todobaadkan si rasmi ah looga dhawaaqo murashaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeenka xisbigaasi uga qeyb gali doona doorashada Nofeember 2024.

Trump ayaa xilka Madaxweyne Kuxigeenka u xushay Senator J.D. Vance oo laga soo doorto gobalka muhiimka ah ee Ohio.

Khamiista ayaa lagu wadaa inuu shirweynaha kasoo jeediyo khudbadiisa Donald Trump oo aan weli goob fagaare ah ka hadlin tan iyo weerarkii kharaajinta ee uu ka badbaaday Sabtidii lasoo dhaafay.

Horseed Media