USA: Wasiir ka tirsan xukuumadda Donald Trump oo fadeexaddii Ruushka lugaha la gashey

Published: March 2, 2017
Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka General Jeff Sessions

Xoghayaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Maraykanka Jess Sessions ayaa la ogaadey in uu wada hadal la yeeshey safiirka Ruushka ee Maraykanka fadhiya, xili ay socoteyo ol-olaha doorashada Madaxweynaha, sida ayn qortey Washington Post.

Kulanka uu la yeeshey safiirka ayuusan ka hadlin ka hor inta aan xilka loo dhaarin. Waxaa hadda laga dalabanayaa in u xilka iska casilo.

Laba jeer oo ah bishii Sebtember 2016 Jess Sessions waxa uu wada hadal la yeeshey safiirka Ruushka u fadjiya Washington, Sergej Kislyak.

Sirdoonka Maraykanka ayaa weli baaritaan ku haya farogelinta Ruushku ku sameeyey doorashadii Madaxweynaha ee Maraykanka.

Wargeyska weyn ee Washington Post ayaa xogtiisa ka soo xigtey xubno ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda.

Jess Sessions oo horey u ahaa Senator laga soo doorto gobolka Alabama ayaa kamid ahaa taageerayaasha waaweyn ee Trump xiligii ol-olaha doorashada.

Nancy Pelosi haweeyenyda hoggaamisa Xildhibaanada Xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Kongrosska ayaa tiri fadeexadan kadib.

“… Hadda, kadib markii uu been ka sheegey dhegaysigii lala yeeshay Jess Sessions waa in uu xilka iska casilaa….”

Senator Graham ee laga soo doorto gobolka South Carolina ayaa sheegay haddii Xeer ilaaliyaha guud ee Mr Sessions uu xiriir la sameeyey Ruushka loo baahan yahay dacwad ooge madaxbanaan in lo qabto fadeexadda Ruushka ee Trump.

Dhawaan waxaa lagu khasbey in uu xilka iska casilo Gen. Michael Flynn oo ahaa la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Trump markii ay soo baxdey fadeexad la xiriirta xiriirka uu la yeeshey Ruushka isaga oo kala hadley cunno qabateynta Obama ku so rogey.

Muuqaalka hoose ayaa sheegaya xiliga Jeff Sessions uu beenta ka sheegay xiriirka Ruushka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *