USA: Xeer Illaaliyihii guud William Barr oo iscasilay

Published: December 15, 2020

Xeer illaaliyihii guud ee Maraykanka William Barr ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo, iscasilaada ayaa lagu soo beegay kadib markii Dowlad Gobaleedyada dalka Maraykanka ansixiyeen guusha Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Xiriirka Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaadka yahay ee Donald Trump iyo Xeer Illaaliyaha William Barr ayaa sii xumaanayey wixii ka danbeeyey doorashadii bishii hore wadankaasi ka dhacday.

Trump oo horey u magacaabay William Barr oo kamid ahaan jiray taageerayaashiisa xagjirka ah, ayaa si weyn uga carooday kadib markii Xeer illaaliyaha sheegay inaysan jirin wax cadeenaya in la musuq maasuqay natiijada sida uu ku doodayo Trump, arrintan oo soo dadajisay inuu xilka isaga dego.

Donald Trump ayaa sida caadada u ah bartiisa Twitter ku shaaciyey in Xeer illaaliyaha xilka ka degayo dhamaadka bishan isagoo warkan kusoo beegay daqiiqado kadib markii Dowlad gobaleedyada Maraykanka ansixiyeen natiijada doorashada Madaxweynaha oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Khalid Yusuf
Horseed Media   

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *