USA: Xeer-illaaliyaha Maraykanka oo beeniyey in doorashada la musuq-maasuqay

Published: December 2, 2020

Xeer illaaliyaha Guud ee Maraykanka William Barr ayaa sheegay inaysan jirin wax cadeyn ah oo loo helay musuq maasuqa uu sheegay Donald Trump in lagu sameeyey doorashadii Maraykanka.

Hadalka kasoo baxay Mr.Barr ayaa dhabar-jab ku ah Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Donald Trump oo isagu horey usoo magacaabay xeer illaaliyahan oo kamid ahaa xulafadiisa.

“…Illaa iyo hada ma jiraan wax cadeyn ah oo loo helay in la musuq maasuqay codbixintii doorashada Madaxweynaha…”  

William Barr

Kooxda Qareenada ah ee u doodaya Donald Trump ayaa qoraal ay soo saareen si adag u cambaareeyey hadalka Xeer Illaaliyaha.

Qareenada u doodaya Trump ayaa ku guuleysan waayey illaa iyo hada 38 kiis oo ay horgeeyeen maxkamadaha gobalada kala duwan ee dalka Maraykanka, iyadoo sidoo kale dib u tirinta lagu sameeyey cododka gobalada qaarkood markale lagu xaqiijiyey inuu doorashada ku guuleystay Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *