Waa kuwee degmooyinka Puntland ee doorashooyinku aysan ka dhacayn?

Published: October 7, 2022

Maalitii shalay ee Khamiista waxaa shirkii golaha wasiirada lagu soo bandhigey in doorashada goloyaasha deegaanku ay ka dhacayso 37 degmo oo ka tirsan 49 degmo oo Puntland ka kooban tahay, haddaba waxaa la is weydiinayaa maxaa lagu xushey 37 degmo? Maxay tahay sababta looga tegay 12 degmo oo kale?

Puntland waxaa lagu asaasey 21 degmo oo kala ahaa

  1. Bari 6 degmo
  2. Nugaal 4 degmo
  3. Sanaag 4 degmo
  4. Mudug 3 degmo
  5. Sool   3 degmo
  6. Iyo Buuhoodle

Hadda, waxay ka kooban tahay 9 gobol iyo 49 degmo. Gobolka Bari waxa uu dhalay laba gobol oo kale, (Karkaar iyo Gardafuul) halka Sanaag ay dhashey gobol kale (Heylaan) iyo Buuhoodle oo ka tirsaneyd gobolka Togdheer oo isu beddeshey gobolka Cayn.

Xeerkii degmooyinka ee la asnixiyey sanadkii 2013, waxa uu dhigaayey 37 degmo in Puntland ay ka kooban tahay, kuwaas oo u qaybsan derajooyinka A, B iyo C.

Sida uu qabo xeerka ugu danbeeyey ee degmooyinka iyo gobolada ee  Golaha wakiiladu ay ansixiyeen 2020, shuruudaha degmo lagu noqdo waxaa ka mid ah in aysan degmo kale oo ka horeysey  ama ay ka tirsaneyd aysan u jirin wax ka yar 40km, sidoo kale in ay ku nool yihiin ugu yaraan 4000 oo qof, ay leedahay adeegyadii degmo looga baahnaa oo  dhan.

Waxaa jira degmooyin golaha xukuumaddu magacaabtey, laakiin aan la horgeyn Baarlamaanka wax xeer ahna aan lagu soo saarin.

Haddaba Horseed media oo baaritaan sameysey ayaa fahansan in degmooyinka ka maqan gacanta Puntland ee aysan maamulin wax doorasho ah ka dhacayn waxana ay kala yihiin:

  1. Laascaanood
  2. Xudun
  3. Kalabayr
  4. Dharkayn Geenyo
  5. Widhwidh
  6. Ceerigaabo

Haddaba waa kuwee 6-da degmo ee kale ee aysan doorashadu ka dhacay:

Horseed media ayaa fahamsan in lixda degmo ee kale ay yihiin kuwo xukuumadda Puntland magacaabtey laakiin aan la horgeyn golaha wakiilada oo lagu soo saarin xeer rasmi ah, haddii aan tusaale u soo qaadano waxaa kamid degmada Ceegaag oo gobolka Cayn ah iyo degmada Yubbe ee gobolka Sanaag, iyo qaar kale oo hadda Horseed media aysan soo bandhigeyn laakiin ay hayso liiskooda, mana ahan kuwo xeer baarlamaan lagu soo saarey.

Su’aasha kale ee isweydiinta mudan ayaa ah 37 degmo ma ku jiraan saddexdii degmo ee horey doorashadu uga dhacdey mise waa 37 degmo oo cusub, inkasta oo aan lagu sheegin warbixnta shalay ka soo baxdey guddiga, ayey u badan tahay in ay ku jiraan 37 degmo  saddexdii horey looga qabtey ee  Qardho Ayl iyo Ufayn, sidaas ay noqoneyso 34 degmo oo cusub waxa doorashada laga qabanaayo, waxaana taas xaqiijinteeda laga sugayaa TPEC oo isla shalay lagu wareejiyey liiska 37 degmo.

Haddii saddexda degmo aysan ku jirin qorshuhu waa 40 degmo in doorashadu ka dhacdo, taas oo ka dhigeysa degmooyinka ka haraaya ilaa 9 degmo oo keliya.

Waxaa xusud mudane in xukuumadda Puntland ee xiligii Cabdiweli Cali Gaas magacaabtey gobol cusub oo lagu magacaabo Taleex, kaas oo la hoosgeeyey   Taleex, Sarmaanyo iyo tuulooyin kale, laakiin ma noqon arrin socota, maadaama aan la horgeyn golaha wakiilada.

Horseed Media