Wacyigalin ku aadan ilaalinta deegaanka oo loo qabtay Hawenka ku dhaqan Qardho. (Sawiro)

Published: January 4, 2017

Wasaarada Deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta Dowlada Puntland iyo hay’ada Care oo iska shanaya ayaa magaalada Qardho waxa ay tababar ugu qabtay haweenka kaaso kusaabsan sidii haweenka iyo bulshada qaybaheeda kala gadisan loogu wacyigalin lahaa ilaalinta deegaanka loogalana tashan lahaa sidii loo horumarin lahaa deegaanka.

Madaxa xiriirka dadwaynaha ee wasarada deeganka Abdiqan Hayir iyo isuduwaha wasarada deeganka gobolka karkaar Maxamed Muse waxayna shegen in muhimada tababarkan ay tahay tashi iyo aqoon iswedarsi ku aadan horumarinta iyo ilaalinta deegaanka masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wasaaradu ay mudooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii loo bedeli lahaa habka loogu nugul yahay abaaraha .

Gudomiye kuxigeenka degmada Qardho C/rizaaq Cumar Faarax oo sidoo kale ka hadlay Madasha looga tashanayo wax ka qabshada ilaalinta deegaanka ayaa haweenka ku booriyay inay ka faa`iidaystaan tababarka wuxuu kalo xusay gudoomiye kuxigeenka in tababarkan muhiim u yahay bulshada loona baahanyahay in wacyigalinada noocaan ah lajoogteeyo.

Axmed Maxamed Cali oo kamid ah masuuliyiinta Hay`ada Care Puntland ayaa isna sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee tababarkan ay tahay wacyigalin, dadkana lagu wacyigaliyo deegaanka iyo muhimadiisa wuxuu kaloo Axmed sheegay in dadka kasoo qaybgalay tababarka looga baahanyahay inay sii gudbiyaan wacyigalinta lagu ilaalinayo deegaanka, Masuulka ayaa sidoo kale xusay in Care iyo wasaarada deegaanka in badan ay wax ku bixiyeen sidii dib looga shaqayn lahaa deegaanka xumaaday ee xaalufka uu ka dhacay soo noolayntiisa iyo sidii wax looga badeli lahaa aragtida bulshada ee ku aadan deegaanka oo ay qaataan bulshada wacyigalino farabadan taana uu sheegay inay wax badan ka qabsoomeen.

Qaar kamid ah haweenkii kasoo qaybgalay ayaa dhankooda xusay inay diyaar u yihiin ilaalinta deegaanka marwalbana ay garab taaganyihiin Wasaarada deegaanka iyo Hay`adaha kala shaqeeya ilaalinta deegaanka oo ay Care international ay kamid tahay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *