Wafdi ka socda dowladda iyo QM oo gaaray Baardheere

Published: December 10, 2023
Shares30

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, qaybna ka yihiin wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo kamid ah degmooyinka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

Wafdigaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa, u qaybsamaha Qaramada midoobey ee arrimaha gargarka iyo ban’iadanimada {DSRGS) George Conwey, Madaxda Hay’addaha UNICEF, WFP iyo madaxa Mashruuca gargaarka degdega ee hay’adda FAO Somalia, UN-OCHA Somalia.

Ujeedada Socdaalka Wafdiga ayaa la xariirtey u kuur gelidda sameynta ka dhalatey fatahaaddii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada Baardheere, Burburkii Buundadii muhiimka u ahayd Bulshada magaalada Baardheere iyo Saameenta wayn ee ka dhalatay fatahaadaha Elnino.

Waxa ay boqdeen sidoo kale xirooyinka ay daganyihiin dadka Barakacaaysha ah ee sida ba’an u saamaysay fatahaada, Buundada Burburtay, Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka degmadaas.