Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Hay’adda NISA oo lagu degmada Maxaas

Published: June 12, 2024

Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga agaasimaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabbilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Maamulka demada Maxaasm mas’uuliin kala duwan iyo saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.

Mas’uuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA  Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Horseed Media